WararkaWaxbarashada

Ogow Sababta.. In Nolosha La Dhadhansadaa Waxay Bilaabataa Marka La Gaaro 60 jirka!

Noloshu waxay dadka qaar u bilaabataa marka ay lixdan jirka gaaraan.. waa oraah ay dad badan oo dunida ka tirsan aaminsan yihiin, daraasaadka cilmiga ah ee la sameeyaa ay adkaynayaan maadaama la ogaaday dadku marka ay gaaraan da’da howlgabka ee shaqada lagaga fariisto iney saameyn fiican ku yeelato caafimaadkooda hurdo wanaagsanna ay ka helaan.

Daraasad dhawaan soo baxday oo ay sameysa jaamacadda Turku ee dalka Finland ayaa natiijadii kasoo baxday noqotay in da’da howlgabka marka uu qofku gaaro ay yaraaneyso khatarta ah in cudurro wandanaha sonkorowga iyo cimridagdag uu ku dhaco. Xiligaas ayuuna qofku bilaabaa inuu noloshiisa raaxo ku helo.

Daraasaddan ayaa waxaa lagu baartay data-da laga soo uruuriyay 6 kun oo qof oo da’da howlgabka gaaray inta u dhaxaysay 2000-2011.

Daraasadda ayaa sheegtay in marka ay dadku howlgab noqdaan ay ka fogaanayaan shaqooyinkii, markaa waxaa yaraaneysa mushkiladahooda dhanka hurdada. Si wanaagsanna way u hurdayaan.

Cilmibaayaasha ayaa arkay in hurdada aan nafiska lahayn iyo in xilli hore oo subixii ah lasoo kacaa ay tahay arrin caadi u ah inta badan shaqaalaha, laakiin xaaladdu way isbedelaysaa dadkii shaqaalaha ahaa ee hurda yarida ka caban jira ama caafimaadkoodu hooseeyay, waxay noqonayaan kuwo sidii hore ka caafimaad badan kana hurdo sarreeya.

Si kastaba, daraasaddan ayaa la jaanqaadi karta dalalka ay dadkoodu lacagta howlgabka ah qaataan lacagaha faraha badanina ay u aruuraan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close