WararkaWaxbarashada

Caruurta Soomaaliyeed ee Qaxootiga ah Dalalka IGAD oo Helay Waxbarasho La Mid ah Tan Wadama Ay Joogaan

Shirweyne looga hadlayo waxbarashada caruurta Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah xeryaha dalalka IGAD ayaa ka furmay  Djibouti.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirrada waxbarashada ee dalalka IGAD, wakiillo ka socday beesha caalamka, mas’uuliyiinta ka socda hay’addaha Qaramada Midoobay oo UNHCR ku jirto.

In kasta oo ay jirto in nidaamkan cusub ee waxbarashada loogu talogalay guud ahaan qaxootiga ku dhaqan dalalka IGAD ayaa hadana waxaa shirkan xoogga lagu saaray qaxootiga Soomaaliyeed oo ah kan ugu badan, iyadoo yoolka la doonayo in la gaaraa uu yahay in ardayda wax ku barata xeryaha qaxootiga ay la socon karaan waxbarashada dalka ay dagan yihiin iyo iney uga wareegi karaan dalal kale oo IGAD ka tirsan siina wadan karaan waxbarashadooda, marka ay ku laabtaan dalkooda hooyo.

Xoghayaha guud ee Ururka Goboleedka IGAD Maxbuub Macallin ayaa VOA u sheegay in tallaabadan ay hadda qaadayaan ay tahayd mid soo daahday xilli horena ay ahayd in wax laga qabto:

“Arrintani arrin fiican weeye, waa arrin aad u daahday oo horey inaan uga shaqeynno ay ahayd, laakiin Ingiriisku waxa uu dhahaa adigoo daahday waxaa ka xun adigoon waxba qaban, arrimaha qaxootiga muddo dheer ayay nala daris ahayd, illaa iyo 30sano ku dhawaad, markaa caruurta qaxootiga ah waa iney cilmi helaan la qabsan karo meesha ay joogaan waxbarashadeeda.”

Si kastaba, shirkan ayaa ah mid yididiilo wanaagsan siinaya caruurta Soomaaliyeed ee ku dhaqan xeryaha qaxootiga ee dalalka dariska ah, waxay helayaan waxbarasho la mid ah tan laga qaato dalalka ay ku noolyihiin, halka waalidiin u dabarnaa waxbarashada caruurtoodana ay u suurtogalayso iney dalal kale ubadkooda si dhib yari ah waxbarashada uga dhameystiraan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close