CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub: Sigaarka oo Dheeha Qofka Bedela

Cilmibaarayaal Ingiriis ah ayaa sheegay in dhibaatada sigaarku aaney ku koobneyn gudaha jirka oo qura ee laakiin ay u tallaabayso quruxda iyo bilicda qofka oo dilayso.

Jariidada “Daily Mail” ee kasoo baxda dalka Ingiriiska ayaa faafisay natiijada daraasad ay sameeyay culumo-saynisyahanno ah oo ka tisan jaamacadda Bristol ee dalka Ingiriiska, khubaradan ayaa gaaray natiijo oraneysa in nicotine-ka sigaarka uu si taban u saameeyo muuqaalka guud iyo quruxda qofka.

Daraasaddan ayaa waxaa si gaar ah loogu baray tiro dad mataano ah oo ka koobanaa illaa 23 mataane oo qof ka mid ah uu sigaarka cabo halka kan kale aanuu sigaarka cabin, waxayna qiimeeyeen muuqaalkooda dibadda, iyagoo u bandhigay 500 qof oo siyaabo kala duwan ay u xusheen.

Markii labadii kooxood la is barbardhigay (kooxdii sigaarka cabaysay iyo kuwii aan balwaddaa lahayn) oo sawiradoodana loo bandhigay dad mudatawiciin ah, ayaa natiijadii soo baxday noqotay in 70% sawirrada mataanka aan sigaarka cabin uu ka muuqaal fiicnaa mataankiida sigaarka caba.

Khubarada ayaa sheegaya in fasiraadda natiijadani noqoneyso mid fudud, maadaama  nicotin-ka uu ciriirigeliyo xididada dhiigga, arrintaas oo ay ka dhalato enzyme burburinaya collagen(waa enzyme ka mas’uulka ka ah dabacsanaanta iyo cufnaanta jirka) qofkana bila.

Maandeeq FM

Related Articles

Close