WararkaWaxbarashada

Dhakhtar Qalliin oo Lagu Maxkamadeeyay Saxiix Uu Kaga Tagay Xubanaha Gudaha ee Bukaankiisa!

Wararka dhakhtarka Simon Bramhall ayaa kiciyay koox dadweynaha ee gudaha dalka Inagiriiska, kadib markii uu qirtay in xarafka koowaad ee magaciisa uu ku qori jiray beerka bukaankiisa.

13 December ayaa Simon uu ka hor qirtay maxkamadda horteeda dambiga uu galay, waana markii tuhunkii laga qabay ay ku caddaatay oo labo ka tirsan bukaankiisii hore la arkay in xubnahooda gudaha uu uga tagay saxiixiisa, isagoo adeegsanaya qalab loogu taloglay in dhiig baxa gudaha jirka lagu joojiyo.

Sida warbaahintu ay sheegayso dhankhatarkan shaqadii waa laga joojiyay. waxaama la filayaa in xukunkiisa lagu dhawaaqo 12 February ee sanadka soo aaddan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close