arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Erdogan: Haddii Qudus Gacanteenna Ka Baxo Kacbada Ma Ilaalin Karno

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa uga digay dunida Muslimka ah  in la dayaco magaalda Bareysan ee Al-Qudus, haddii sidaasi ay dhacdo waxa uu tilmaamay in ilaalinta magaalada Makka Ay adkaan doonto.

Recep Tayyip Erdoğan oo jimcadii shalay qudbad ka jeedinayey Istanpul ayaa yiri “Hadii aan weyne Qudus, nooma suurto galeyso inaan ilaalino madiinatu munawarah, hadii aan weyno madiina ma awoodno inaan ilaalino Makka, hadii aan weyno Makka waxaan weyn doonaa Kacbada”.

Recep Tayyip Erdoğan ayaa intaasi ku daray in weerar cusub lala beegsan doono bariga dhexe iyo dhammaan umadda Islaamka ah ka dib aqoonsigii Mareykanka uu u aqoonsaday in ay Qudus tahay magaalo madaxda Isarel, waxaa uuna hoosta ka xarriiqay in dalkiisa uu sii wadi doono qaadashada tallaabooyin kale oo looga hortagayo go’aanka maamulka Mareykanka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close