WararkaWaxbarashada

Waa Maxay Sirta Awoodda Hoggaamiyeyaasha Maafiyada Adduunka?

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in xubnaha Maafiyada ka tirsan ee mutacallimiinta ah ay gaarayeen guulo dhanka gacansiga ah oo waaweyn, arrinta ayaa muujineysa in guulaha ay gaareen aaney wax xiriir ah la lahayn awooda jir ahaaneed iyo kuwa xoogga ah.

Daraasaddan ayaa lagu baaray data 723 xubnood oo ka tirsan Mafiyada sanadkii 1940, waxaana lagu baaray faahfaahinta cilmigooda, mihnadooda shaqo iyo mushaarkooda.

Cilmibaarayaashan oo uu hoggaaminayay Giovanni Mastropone oo ka tirsan jaamacadda Essex, ayaa arkay in dhexdhexaad ahaan xubnaha Mafiyada ah ay waxbarashada ku qaataan 8sano, waana muddo hal-sanno un ka yar qofka caadiga ah waxbarashada uu helo.

Cilmibaaristan ayaa lagu daabacay joornaalka “The Conversation”, “Waxay daaha ka rogtay in sanad kasta oo dheeraad ah xubnaha Maafiyadu ay ku qaataan waxbarashada ay garab socoto kororka heerka faa’idada ay helaan, iyadoo ay jirto in xubanaha Maafiyada intooda badan aaney iskuul aadin, laakiin waxay faa’ido dhaqaale oo waaweyn kasoo hooyeen wakhtiga dheeriga ah ee ay waxbarashada ku qaataan, waa kuwooda waxbarashada aada”

Daraasaddan ayaa lagu ogaaday in maafiyada ku lugta leh dambiyada gacansiga, sida; khiyaamada, xeeladaysiga, qamaarka iyo gacansiga khamrada ay heli karaan faa’ido u dhaxaysa 13-18% marka ay sanad dheeraad ah oo waxbarasho ah ay qaataan. Kuwa kale ee dambiyada gacansiga aan ahayn gacanta kula jiraa kasabkooda waxa uu u dhaxeeyay 4-6%.

Si kastaba, daraasaddan ayaa natiijadeeda oo koban ay noqoneysaa in xubanaha Mafiyada ee adduunka wareerisay ay awooddooda ugu weyni tahay tahay waxbarashada oo ay ku tiirsan yihiin, taas oo ka duwan sida dadbadan ay aaminsanaayeen oo ah iney xoog iyo hub wax ku maquuniyaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close