WararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub: Haddii Gabar Kula Dhalatay Waxaad Tahay Qof Farxad iyo Rajo Badan Haysta

Xilliyada soo aaddan marka ay walaashaa raashinka ay kaa dafto ama ay kugu qeyliso, si degdeg ah u saamax!.

Warbixin lagu soo daabacay website-ka Indy 100 ee dalka Ingiriiska kasoo baxa, ayaa sheegaysa in marka walaashaa ay ku fawdeyso intii aad xanaaqi lahayd taa bedelkeeda u mahadceli.

Cilmibaaris ay sameeyeen labada jaamacadood ee kala ah  jaamacadda Montfort iyo jaamacadda Ulster ee waqooyiga Ireland, ayaa lagu ogaaday in haddii  gabar kula dhalatay ay kaa dhigeyso qof farxad badan yididiilo fiican.

Daraasaddan ayaa lagu baaray dad dhalinyaro ah oo gaaraya illaa 571 qof oo da’doodu u dhaxayso 17- 25sano oo noloshooda wax laga weydiiyay, daraasaddan ayaa lagu ogaaday in wiilasha ay gabdhuhu la dhasheen ay ka caafimaad wanaagsan yihiin kana farxad badan yihiin asaagooda aaney gabari la dhalan.

Gabdhaha ayaa sida daraasaddu sheegayso wiilasha walaalahood ah ka garab siiya iney noqdaa kuwo dhanka nolosha u furfuran, waana arrinta ay leeyihiin waxay saameyn togan oo wanaagsan ku yeelatay caafimaadkooda nafsiga ah.

Ugu dambeyn, haddii gabar kula dhalatay Illaahay uga mahadceli maadaama ay noloshaada waxbadan ku soo kordhineyso, sababteedana aad ku helayso farxad iyo furfurnaan ka badan tan asaaggaa ay haystaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close