WararkaWaxbarashada

Jaamacad Nigeria Ku Taallada oo Ardayday Ku Fogeysay Xijaabkeeda

Jaamacad ku taallo Nageria ayaa waxay u diidday gabar ardayad ah oo dhigatana kulyadda xuquuquqda iney soo xaadirto xaflad lagu qabanayey gudaha kulliyadda ay dhigato xijaabkeeda darteed.

Sababta gabadhan looga celiyey inay soo gasho hoolka xafladda ay ka dhaceysay ayaa lagu sheegay iney xirnayd xijaab ayna khilaaftay sharciyadda u taalla Jaamacadda.

Gabadhaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Amaasa Fardowsa waxayna si kadis ah ula kulantay in laga celiyo iney gasho gudaha hoolka Jaamacadda ee Alorin kuna taallo gobolka Kwara ee galbeedka Nigeria, halkaasi oo ay ka dhaceysay xaflad.

Fardowsa yaa diiday codsiga mas’uuliyiinta Jaamacadda oo ahaa inay siibto xijaabka, waxayna ku adkeysatay inay ka dul xiraneyso tin buroko ah xijaabka dushiisa ayna siibeynin, waana sida ay qoreen warbaahinta Nigeria.

Si kastaba, Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa bariyihii dambe iska soo tarayay gudaha dalalka Muslimiinta ah kadib markii dhawaan jaamacadda Mareykanka ee gudaha dalka Masar ay gabi ahaanba ka mamnuucday ardayda iyo macallimiinteeda Xijaabka iney ku xirtaan gudaha jaamacadda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close