TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Maxaa Kugu Dhacaya Marka aad Akhriso Waxyaabaha aad Facebook Ku Aragto lana Falgeli Weydo?

Maamulka shirkadda Facebook ayaa qirtay in dadka barta adeegsada ay dareen aan wanaagsaneyn ka dhaxlaan oo saameyn taban ku yeesha noloshooda.

Qofka in muddo ah ku qaata gudaha shabakaddan xiriirka dadweynaha isla la markaana aan la falgelin waxyaabaha ay ka akhriyaan shabakadda, waxay u keenaysaa saameyn taban oo xagga dareenkooda ah oo farxaddu ay ka lumayso.

Qiraalkan ayaa maamulka Facebook sameeyay Sabtidii shalay, kadib markii maamuleyaal hore oo shirkadda ka tirsaa ay ka tageen iyagoo bulshadana uga cudur daartay saameynta aan wanaagsaneyn ee bartu yeelato.

Website-ka “The Verge” ee caanka ah ee kasoo baxa gudaha dalka Mareykanka, kana faallooda arrimaha Teknoolajiyadda ayaa qiraalkan rasmiga ah Facebook ka helay.

Maamulaha cilmibaarisyada shirkadda Facebook David Ginsburg iyo caalimka cilmibaarisyada ee shabakadda Moira Burke ayaa soo bandhigay saameynta taban ee barta ay ku yeelanayso dhanka dadka adeegsada marka ay la falgeli waayaan waxyaabaha ay daalacdaan. Waxay soo xigteen cilmibaaris laga sameeyay jaamacadda Michigan  oo natiijadii kasoo baxday noqotay in ardayda loo ogolaaday iney baraha bulshada isticmaalaan 10 daqiiqo qura ee laakiin wax falgal ah aan la sameyn waxyaabihii ay ka dheehdeen barta, maalinta aakhirkeeda ay noqdeen kuwo aan farax saneyn; marka loo eegay asaaggooda iyagu barta booqday laakiin la falgalay waxyaabihii ay akhristeen oo muujiyay iney ka heleen iyo in kale.

Mas’uuliyiinta Facebook ayaa yiri : “Iyadoo ay jirto inaan sababtu caddeyn, ayaa hadana waxaa habboon in qofku marka uu akhriyo waxyaabaha uu internet-ka ku arko in uu la falglo, haddii kale uu qofku waajahayo dareen aan wanaagsaneyn.”

Si kastaba, waxaa wanaagsan waxyaabaha aad Facebook ku aragto in aad la falgasho, ka hel, ama ha ka helin haddii aad wax wanaagsan ka kororsato hambalyee, haddii fikrad dadka khaldaysa aad ku aragto waxa saxda ah dadka la wadaag oo haka bakhaylin.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close