WararkaWaxbarashada

New York Times: Maxamed Ibnu Salmaan oo Iibsaday Qasriga Ugu Qaalisan Adduunka

Jariidada Mareykanka ee “New York Times” ayaa sheegtay in dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed Binu Salmaan uu iibsaday Qasriga ” Louis XIV” ee dalka Faransiiska oo qiimihiisu gaarayo 300 milyan oo dollar.

Qasrigan oo lagu tilmaamay inuu yahay kan ugu qaalisan adduunka ayaa badka uu ku fadhiyaa uu gaaraya 57 hiktar, iyadoo ay ku dhexyaallaan taalooyin iyo sawirro ka tarjumaya dhaqanka boqortooyadii hore ee Fanasiiska.

Dhanka kale, Joornaalka caanka ah “Wall Street Journal” ayaa sheegay xilli sii horreysay ee bishan in Maxamed Binu Salmaan uu sidoo kale iibsaday sawir gacmeedka ugu qaalisan adduunka ee “Salvatore Mundi” oo laga sawiray Nabi Ciise CS, waxa uu ka bixiyay 450 milyan oo dollar, arrintaas oo ka hor imaaneysa tacaaliimta diinta Islaamka oo aan ogoleyn in Nabiyada la sawiro.

Si kastaba, jaraa’idka caalamka ayaa sheegaya in wajiga cusub ee Maxamed Ibnu Salmaan uu lasoo baxay ay wax u dhimeyso la dagaallanka musuqmaasuqa uu ka wado gudaha dalka Sucuudiga.

Maandeeq FM

Related Articles

Close