arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed oo Maanta Muqdisho Ka Furmay

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirweynaha Qaran ee siyaasadda dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirweynahan ayaa waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya dhallinyaro, ururrada bulshada rayidka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa furitaanka shirkaan ka qeybgalay, shirkani inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa siyaasadda dhallinyarada ee dhowaan ay meelmariyeen golaha wasiirrada.

Dhallinyarada ayaa fikirkooda ka hadli doona iyagoo soo jeedin doonaan talooyin la xiriira siyaasadaha horumarinta dhallinyarada.

Waxaa kaloo shirkaan looga hadli doonaa sidii loo mideyn lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, maadaama 70% dadka Soomaaliyeed dhalinyaro yahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close