CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Si ka Duwan Ragga.. Maskaxda Dumarku Way Shaqeysaa Xilli Kasta Mana Nasato

Koox cilmibaayaal Fanasiis ah oo ka tirsan jaamacadda Purdue University oo kaashanaya saaxiibadooda kuliiyada Engineerinka Spain  ee”de Valence“, ayaa sameeyay cilmibaaris is barbardhig ah oo lagu wadaagay sawirro 3 kun oo xabbo ah oo laga qaaday maskaxda ragga iyo dumar  oo hab Magnetic imaging ah loo diyaariyaysi loo ogaado heerka kala duwanaanshiyaha maskaxdooda inta ay gaarsiisan tahay.

Sida ay qortay Wakaaladda wararka ee bariga dhexe ee “Mena“, daraasaddan ayaa lagu caddeeyay sawirrada oo ay ku jiraan dhammaan qeybaha kala duwan oo ay ka mid yihiin caruur bilo jir ah iyo waayeel 90jir ah, si loo baaro qaabka ay horumarka u sameeyaan unugyada maskaxda ragga marka loo eego dumarka.

Cilmibaaryaasha ayaa ogaaday in maskaxda dumarku ka tamar yar tahay tan ragga, harmoonaadka jinsiga oo jirkooda ku badan awgeed.

Hawenayda Cilmibaaraha ah ee la yiraahdo  Adriana Mandrik oo daraasaddan ka qeyb ahayd ayaa tiri, ragga waxay kaga fiican yihiin dumarka dhanka shaqada maadaama ay xoogga saaraan howsha loo igmado. halka dumarka fakarkoodu aanuu joogsan oo xilli kasta taas oo u suurtogelinaysa iney hal jeer isku qaban karaan dhowr shaqo oo kala duwan. Hormoonka testosterone ee ragga ayaa ah furaha kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close