WararkaWaxbarashada

“Mas Badeed” Saynisyahanno Ku Ilhaamiyay Iney Soo Saaraan Batari Nooc Cusub ah

Koox saynisyahanno ah ayaa waxaa u suurtogashay iney soo saaraan batari  hab cusub ah oo laga dheehday qaabka masbadeedka koronta uu jirkiisa tamarta uga dhaliyo.

Daraasadda lagu faafiyay joornaalka “Nature” ayaa culumo ka tirsan jaamacadaha Michigan iyo California waxaa u suurtagashay iney daraasad ku sameeyay masbadeedka korontada ee “sharks” loo yaqaanno, waxayna sameeyeen qalab sidiisa oo kale u shaqeynaya oo korontada laga dhalin karo.

Mas badeedka korontada ayaa awood u leh inuu si iskii ah u soo saaro koronto 600 volts ah, waxaana u adeegsadaa noole badeedka kale ee khatarta ku ah noloshiisa.

Cilmibaarayaasha ayaa waxaa u caddaatay in masbadeedkani tamarta uu ku kaydiyo falgal layaab badan oo 80% jirkiisa iyo dhismaha jirkiisa ee ka hooseeya.

Batariga cusub ee saynisyahanadani ay soo saareen ayaan weli gaarsiisnayn heerka masbadeedka korontada uu soo saaro oo kale, taas oo aan suurtogal ka dhigeyn in qalab loo adeegsado. Saynisyahannada ayaa sii horumarinaya batariga cusub si loo wanaajiyo loona horumariyo, heer gacansina la gaarsiiyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close