WararkaWaxbarashada

Booliska Kenya oo Xoog Ku Galay Iskuul Islaami ah.. Waxay Xabisga Dhigeen 2 Macallin & 100 Arday

Booliska Kenaya ayaa xoog ku galay iskuul ay muslimiintu leeyihiin oo ku yaalla gudaha magaalada Mombasa, waxay xireen labo macallin iyo 100 arday ah, howlgal ay ku tilmaameen inuu qeyb ka yahay la dagaallanka argagixisada.

Iskuulkan ay boolisku galeen ayaa ku yallaa gudaha Likoni ee koonfurta magaalo xeebeedka Mombasa, waxaana ay boolisku sheegeen inuu yahay xarun caruurtu ay ku qaataan fikirka xagjirka ah.

Wakaaladda wararka “Reuters” ayaa soo xigatay  sarkaal ka tirsan booliska oo diiday in magaciisa la xuso, ayaa sheegay in; “Iskuulka dabagal lagu hayay muddo dheer.”, halka culumada deegaanku ay  isla wakaalada u sheegeen inaaney jirin wax caddeyn ah oo loo heli karo in iskuulku uu yahay mid fikirka xagjirka ah lagu faafinayo.

Sheikh Xasan Cumar oo ah mas’uulka ugu sarreeya ee golaha imaamyada Kenya oo saxaafadda  kula hadlay gudaha magaalada Mombasa uu sheegay in koox boolis iyo ciidamo ajaanib ah iskugu jiraa ay weerareen iskuulka xilli ay ardaydu hurdeen, macallimiinta ay goobta kala baxaeen.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay : “Waxaa la qabtay ku dhawaad 100 arday iyo 4 macallin oo hadda lagu hayo saldhigga booliska, cid illaa hadda noo sheegtay dambiga ay galeenna ma jirto.” Ayuu yiri Sh. Xasan Cumar.

Si kastaba, Kenya ayaa dagaal adag kula jirta xarakada Al-Shabaab oo iyaguna dhankooda dagaallo gaadmo ah iyo qaraxyo la eegta deegaanno ka tirsan Kenya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close