WararkaWaxbarashada

Dumarka… Waatan Sababta uu Miisaankiinnu u Kordho Guurka Kadib

Daraasad dhawaan soo baxday ayaa daaha ka rogtay sababata ka dambeysa in dumar farabadan uu miisaankoodu kordho marka ay guursadaan kadib.

Dumarkii daraasaddan ka qeybglay 25% ayaa sheegay in sababta ay u aaneynayaan ay tahay iney qaataan raashin aan wanaagsaneyn oo ka duwan kii ay horey u qaadan jireen, sida; Pizza diyaar ah, Chips-ka baradhada ah  iyo cunnooyinka kale ee khudaartu ku yar tahay.

Sida ay qortay jariidada “Daily Mail“, daraasaddan oo ay ka qeybgaleen illaa 1000 qof oo ku dhaqan gudaha dalka Ingiriiska oo loo qeybiyay labo kooxood 500 oo ragga ah iyo 500 oo dumar ah, 27% dumarkii ka qeybgalay daraasadda waxay sheegeen in aqal galkoodii kadib ay bilaabeen iney cunaan raashinka fudud ee tukaamada lagu iibiyo.

Laakiin, 73% dumarkii daraasadda ka qeybgalay ayaa tilmaamay inaaney raggu wax dambi ah ku lahayn isbedelka nidaamka cunto ee ku yimid , laakiin uu jiro isbedel kooban oo dhanka raashinka ay qaataan ah kadib aqalgalkooda.

Dhanka kale, 40% raggii daraasadda ka qeybgalay ayaa sheegay iney dumarku saameyn togan oo wanaagsan ku yeesheen raashinka ay qaataan oo sidii hore ka hagaagay, halka 60% oo aqlabiyadda ah tilmaameen inaan waxba iska bedelin nidaamka cuntadooda oo sidii hore un ay ku socdaan.

Khabiirka hypnotherapist ku takhasusay ee la yiraahdo Debbie Triet ayaa yiri; “Miisaanka jirka oo kordha ama is dhima waxa uu ku xiran yahay hab dhaqanka iyo caadooyinka qofka, marka uu qorku dareemo xasilloonida xagga xiriirka caadifiga ah waxaa imaaneysa in uu qabo ka gaabiyo daryeelka naftiisa.”

Si kastaba, daraasad kale oo dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in marka uu qofku gacanta ku dhigo lamaanihiisa nolosha uu miisaankiisa kordhis celcelis ahaan 4.5Kg. Taas oo la macno ah in qofka doobka ah uu naftiisa uga daryeel badan yahay qofka haysta lamaanihiisa nolosha.

Maandeeq FM

Related Articles

Close