WararkaWaxbarashada

Natiijada Shirka Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga ah ee Dib u Eegista Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sedexda maalin ee u dambaysay qabanaysay shir lagu diyaarinayay Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga iyo Latashiyada Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka (DUED) ayaa  soo gabagaboobay.

Ka qaybgalayaal ka kala yimid Dawlad Goboleedyada iyo kuwo ka socday Bulshada Rayidka ayaa shirka ka qaybgalayay iyaga oo maskax shiil kadib soo gudbiyay Istiraatiijiyadda diyaarinteeda ay ku hawlanaayeen.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda  Xuseen Cabdi Cilmi oo soo xiray shirka ayaa ka qaybgalayaasha ku ammaanay dedaalka ay geliyeen diyaarinta Istiraatiijiyadda.

Dhanka kale, Mudane Xuseen ayaa sheegay in Istiraatiijiyaddan ay muhiim tahay islamarkaana la adeegsan doono labada sano ee soo socota si Ololaha DUED uu u noqdo mid lagu guuleeysto.

Ugu dambayn, Wasaaradda ayaa muhiimadda koowaad siisay latashiyada Dawlad Goboleedyada iyo Bulshada Rayidka si looga dhabeeyo mabda’a ka qaybgal loo dhanyahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close