arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sucuudiga oo Soo Saaraya Fiisooyin Dalxiis Bilowga 2018

Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay iney bilaabayso bixinta visa-ha dalxiiska bilaha ugu horreeya ee sanadka 2018.

Jariidada “Khaleej Times” oo  la hadashay ilo ka agdhow hay’adda dalxiiska Sucuudiga ayaa sheegay in la bilaabi doonaan Visa dalxiis bilowga sanadka soo aaddan.

Sucuudiga ayaa wakhti sii horreeyay ku dhawaaqay iney bixin doonaan visa online ah sanadka soo aaddan dhamaan dowladaha adduunka marka laga reebo kuwa laga xayiray safarka muwaadiniintooda.

“Waxaan diyaarineynaa shuruucdii lagu socon lahaa iyo habkii visa-ha lagu bixin lahaa.”, waxaa sidaa yiri xubin ka agdhaw wasaaradda dalxiiska oo la hadlay wargeyska Khaleej Times.

Si kastaba, Sucuudiga ayaa hadda soo saara visa dalxiis oo la siiyo dalal kooban, halka aan weli la ogeyn qiimaha visa cusub ee dalxiiska ah lagu bixin doono.

Maandeeq FM

Related Articles

Close