WararkaWaxbarashada

“Youthquake” oo Noqday Erayga Sanadka 2017 ee Qaamuuska Jaamacadda Oxford

Qaamuuska Oxford ayaa sanadkan u xushay erayga “Youthquake“(dhurlgariirka dhalinyarada) inuu yahay eryaga sanadka ee 2017.

Sida ay sheegayaso jariidada “The Guardians” Erayga “YouthQuake” ayaa ah eray bixin cusub oo tilmaameysa isbedel siyaasadeed iyo mid bulsho oo dhalinyardu hoggaaminayaan ama saameyn ballaaran ay ku leeyihiin.

Eraybixintan ayaa noqotay mid adeegsigeedu uu kordhay sanadkan 401%, halka uu sanadkani noqday sanad ay dhalinyaradu kaalin hogaamineed ay ku lahaayeen isbedelka siyaasadeed oo wadamada qaar ku dhacay. Waxaana si gaar ah farta loogu fiiqay doorashooyinkii ka dhacay UK iyo New Zealand oo dhalinyaradu si weyn ay u baabulnaayeen olalaha doorashooyinka ee dalalkaa ka dhacay.

Oxford Dictionaries ee Erayga sanadka 2017 erayada kasoo dhex muuqday waxaa ka mid ah:

Antifa(magac dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah uu leeyahay), Broflake(eraybixin loo adeegsado qofka aan horumarka jeclayn), Gorpcore(labiska aan fiicnayn), Komopromat(qof marka la sumcad dilayo, gaar ahaan siyaasadda ayaa loo adeegsadaa), Milkshake Duck(shay dadku ay aad u xiisaynayaan, laakiin gadaal laga ogaanayo taariikh nololeed aan wanaagsaneyn ee uu leeyahay), Newsjacking(in dhacdooyinka looga faa’ideysto arrimo gacansi ah iyo xayaysiin), Unicorn(raashin iyo cabitaan la midabeeyay oo si weyn loo qurxiyay), White fragility(jileeca caddaanka) waa erbixin cunsiriyadda caddaanka la iskaga difaaco.

Ugu dambeyn, sanad kasta aakhir kiisa ayaa waxaa qaamuuska jaamacadda Oxford lagu daraa erayo iyo eraybixinno cusub oo sameysma dadkuna ay ku dhaqmaan oo si weyn uga hirgala dalalka Luqadda English ay u tahay luqadooda hooyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close