WararkaWaxbarashada

5-ta Buug ee Uu Kuu Soo Jeedinayo Inaad Akhriso Ninka Ugu Taajirsan Adduunka 2017

Bilinear-ka reer Mareykan ee Bill Gates ayaa dadka u soo jeediyay iney akhriyaan buugaag uu isagu waxbadan ka faa’iday buugaagtaa waxaa ka mid ah “The Best we Could Do” oo ka hadlaya wixii ugu wanaagsanaa ee aadanuhu gaaray.

Bill Gates ayaa xusay inuu dadbadan la kulmay, goobo farabadan oo dunida ka tirsanna uu booqday, laakiin waxa uu aaminsan yahay in wadada ugu wanaagsan ee aad ku ogaan karto waxa ay dadku rabaan ay tahay in wax la akhriyo, waana sida uu ku soo qoray website kiisa gaar ah.

Buugaagta uu soo jeediyay iney dadku akhriyaan waxaa ka mid ah, The best we Could do(waxa ugu wanaagsan ee aan sameynnay), Evicted: Poverty and Profit in the American City(darbi jiif), Believe Me: A Memoir of Love, Death, and Jazz Chickens(i aamin), The Sympathizer(la damqo dadka kale), Energy and Civilization: A History(taariikhda tamarta iyo ilbaxnimada).

Bill Gates ayaa marar badan soo qora buugaagta ugu wanaagsan oo uu dadka kula talinayo iney akhriyaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close