TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Khabiir: Robot-ka iyo Aadanaha “Waxay Iska Dhalindoonaan” Caruur Mastaqbalka Soo Aaddan!

Robotka waxaa u suurtogaleysa inuu ilma dhalo iyadoo arrintaa ay u suurtogalinayaan aadane ay isguursadaan, waa sida uu sheegayo khabiir ku takhasusay garaadka Smarts-ka ah.

Dr. David Levy oo ah alifaaga jacaylka iyo jinsiga robot-ka, ayaa yiri aadanaha iyo rabotka xilli dhaw caruur ayay dhali doonaan, marka la eego horumarka laga sameynayo unugyada chromosomes-ka ah ee gacan ku sameyska ah ee dhawaan la gaaray.

Dr. Levy ayaan  sheegin  xilliga gaar ah oo uu filayo in robotka caruur dhali doonaan, laakiin waxa uu sheegay in 100 sano ee soo aaddan.

Dr. Levy ayaa odorskiisa ka jeediyay shirka “Love and Sex with Robots” oo London ka dhacay 20 December.

Dr. ayaa xujadiida ay ku tiirsan tahay daraasad dhawaan soo baxday oo ka hadlaysa unugyada stem-ka iyo teknoolajiyaddda nanotechnology iyo cilmiga Genetics-ka Robots-ka oo la leeyahay waxay suurtogalinayaan in Robotka ay caruur dhalaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close