WararkaWaxbarashada

Sidee Lacagtu U Saameysaa “Farxadda” Qofka?

Lacag laguma iibsado sareedo iyo farxad, laakiin waxay qofka u suurtogelisaa inuu helo waddooyinkii uu ku gaari lahaa farxadda, waana sida ay tilmaameyso daraasad cusub oo dhawaan soo baxday sameeyay.

Cilmibaarayaasha daraasaddan sameeyay ayaa ogaaday in dadka lacagta yari ay soo gasho in ay farxadda ka heleen dadka kale ee ay ka helaan dareenka jacaylka, naxariista ee la caadifooda.

Dadka taajiriinta ah ayaa dhankooda sareedadooda ka hela sifooyinka shakhsi ahaaneed ee faanka iyo raalli ahaanshiyo ay noloshooda maqsuud ku noqdaan.

Cilmibaarayaal ka tirsan jaamacadda California “Irvine“, ayaa sameeyay  daraasad ay ka qeybgaleen 1519 qof oo (752 ka mid ah ay rag yihiin, halka 767 ka mid ahna ay dumar yihiin), dadkan ayaa laga soo kala xulay deegaanno kala duwan oo gudaha Mareykanka ah.

Daraasadani si gaar ah umay qiyaasin “Sareedada”, laakiin waxay eegaysay xiriirka ka dhaxeeya sareedada iyo dakhliqa qoyska. Waxayna si gaar ah u arkeen in dadku siyaabo kala duwan ay sareedada u dareemaan, wax xakamaynayaana uu yahay dakhliaga soo gala, waxyaabaha ay sareedada ka helaanna waxa ugu muhiimsan 7 arrimood oo kala ah, madadaalada, argagaxa!, Naxariista, maqsuudka(marka dakhliga soo galaa ku filan yahay), dhiirigelinta, jacaylka iyo faanka oo taajiriintu ku badan yihiin.

Dr. Paul Beef oo daraasaddan hoggaaminayay ayaa yiri: “Dakhliga sare ee qofka soo galaa waxa uu leeyahay faa’iidooyin farabadan oo ay ku jiraan caafimaadka qofka oo hagaaga iyo noloshiisa oo uu maqsuud ku noqdo.”

Natiijooyinku waxya tilmaamayaan in dadka dakhligoodu hooseeyaa ay sareedada u sameystaan waddooyin ay ku helaan, taas oo ay kaga adkaadaan dufuurta adag ee noloshooda ku xeeran.

Maandeeq FM

Related Articles

Close