WararkaWaxbarashada

9 Ka Mid ah Tobonka Dowladood ee Kaalamada Ugu Badan Ka Hela oo Aan U Dhag Raaricin Hanjabadihii uu u Soo Jeediyay Mareykanku

10 Dowladood ee kaalmada ugu badneyd ka helay Mareykanka sanadkii lasoo dhaafay ayaan dhag jalaq u siin hanjabaaddii Mareykanka ee ahayd in laga jari doono kaalmooyinka ay Mareykanka ka helaan, waa haddii ay ka codeeyaan.

10-kaa dowladood 9 ka mid ah ayaa Mareykanka ka codeeyay, halka tan kalena ay ka aamustay.

10 dowaladood ee Kaalmooyinka Ugu badan Ka Helay Mareykanka sanadkii 2017

Sida ku qoran website-ka “Wakaaladda Mareykanka ee Horumarinta caalamiga ah” ee USAID dowaldaha kaalmada ugu badan ka helay Mareykanka 2017, waxaa ugu horreeyay dalka Ciraaq, halka aaney Soomaaliya kasoo dhex muuqan liiska tobonka dal ee uu Mareykanku lacagaha ugu badan ku bixiyo, waxaa kasoo dhex muuqday, koonfurta Suudaan oo inaga kaalmo badan iyo Tanzania oo la mid ah.

1 .Ciraaq, waxay Mareykanku sanadkii ku maalgeliyaan 5.28 Bilayn oo dollar.

2 .Afghanistan: 5.06 bilayn oo dollar.

3 .Masar: 1.23 billion oo dollar.

4 .Urdun: 1.21 billion oo dollar

5 .Kenya: 1.14 bilyan oo dollar.

6 .Ethiopia : 1.11 billion oo dollar.

7 .Pakistan: 778 milyan oo dollar.

8 .Nigeria: 718 milyan oo dollar.

9 .Koonfurta Suudaan: 708 milyan oo dollar.

10 .Tanzania: $629 milyan.

Hadaba, 10 kaa dowladood sagaal ka mid ah ayaa u codeeyeen go’aanka Mareykanka lagaga soo horjeedo, halka Koonfurta Suudaan oo qura ay ka aamustay.

Si kastaba, Safiirka Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley Ayaa Arbacadii ku hanjabtay iney hoosta ka xariiqi doonaan dowladaha Mareykanku uu kaalmada siiyo ee ka codeeya. Iyadoo ay u muuqato in hanjabaadaasi aaney wax saameyn ah yeelan, fadeexad iyo weji gabaxna ay ku noqotay Mareykanka iyo waliba Israel.

 Maandeeq FM 

Related Articles

Close