WararkaWaxbarashada

Arday Dhameysatay Kulliyadda Shareecada ee Jaamacadda Soomaaliya oo Xaflad Qalinjabin ah loo Qabtay

Arday dhameysatay waxbarashada heerka koowaad ee jaamacadda Soomaaliya, gaar ahaan kulliyadda Shareecada ayaa xaflad qalinjabin ah shalay loogu qabtay gudaha magaalada Muqdisho.

Xafladdan ayaa waxaa ka qeybgalay maamulka jaamacadda, macallimiin, arday, waalidiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladda qalinjabinta.

Guddoomiyaha jaamacadda Dr. Ismaaciil Cali Siyaad oo xafladda ka hadlay ayaa tilmaamay in jaamacadda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso kulliyadda Shareecada iyo daraasaadka Islaamiga ah, waxaana hadalladiisii ka mid ah ahaa:

“Anigoo magaca jaamacadda ku hadlaya waxaan cadeeynayaa in ardaydaasi ay kasbadeen degree-ga ay maanta qalinjabinaya. kuliyada Shareecada waxey noo leedahay ahmiyad gaar ah taasna waxaad ka arki kartiin inaan xaflad gaar ah u sameeynay” ayuu yiri gudoomiyaha jaamacadda Soomaaliya.

Si kastaba, Ardaydan oo gaareysay illaa 70 arday ayaa gabagabadii xafladda la guddoonsiiyay shahaadooyinkii ay mudnaayeen, laguna dardaarmay in waxbarashadooda ay halkaa kasii wataan.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close