WararkaWaxbarashada

Dufcaddii 17aad ee Ka Qalinjabisa Jaamacadda Muqdisho oo Xaflad Ballaaran Loogu Sameeyay Gudaha Caasimadda

Arday ka qalinjabisay 9 kulliyadoo oo ka tirsan jaamacadda Muqidsho ayaa xaflad qalinjabin ah oo aad u ballaaran loogu qabtay maalinimadii shalay magaalada Muqdisho.

Xafladda oo si heersare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay maamulka jaamacadda, agaasimaha waxbarashada sare ee wasaaradda waxbarashada DFS, madax ka socotay hay’ado maxalli ah iyo kuwo caalami ah, macallimiin, waalidiin, arday iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu casuumay.

Porf. Dr. Cilmi Dhuxulo oo ah madaxa daraasaadka sare ee jamaacadda Muqdisho oo xafladda ka hadlay ayaa hambalyeeyay ardayda qalinjabineysa isla markaana faahfaahin ballaaran ka bixiyay waxbarashada sare ee jaamacaddu ay bixiso:

“Faraxad aan lasoo koobi karin ayaan rabaa inaan maanta idinla wadaago xafladdiina qalin bedelashada ah, dhalinyarada qalin bedelataay waxaan idin leeyahay, waalidiinta iyo walaalaha soo garab galayow hambalo ee horay u socda, ama ha ahaadaano qeybta Bachelor-ka ama qeybta Masters-ka waxaan u sheegaya jamacaddu iney hayso fursad daraasad sare in albaabkeedu u furan yahay, takhusasaad kala duwan oo masters degree iyo Ph D bal eh, waxaa jaamacadda u furan Masters Shareeca wal qaanuun ah oo Ph D oo daba yaallo, Masters kulliyadda Tarbiyada ah oo PhD uu dabayaallo, masters, Ph D ah culuumta caafimaadka, waxaa u furan siyaasadda dhaqaalaha, waxaa kale oo furan dibloomo daraasaadka sare ah oo mudadeedu hal sanno tahay, waxaa jira masters degree iyo PhD ay jaamacaddu la waddo jaamacadda Umu-durmaan al-Islaamiyah oo Suudaan ku taalla iyo jaamacadda Asia oo ku taalla dalka Malaysia oo laga helayo qeybo kala duwan oo masters iyo PhD ah.”

Waxa uu ka hadlay tirada ardayda xafladda loo qabtay ee qalinjabineysa waxa uuna yiri:

“Ardayda maanta qalin jabineysa waa 72 arday sida la idin sheegay, waxaa hadda jaamacadda dhigtay waxbarashada sare ee PhD iyo Masters marka laga reebo kuwa maanta qalin bedeshay, 244 arday, ardayda jaamacadda ka qalin jabisay waxaa loo sameeyay qiimo dhimis.”

Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeenka xiriirka hay’adaha dowliga, ahna ku simaha guddoomiyaha jaamacadda Prof. Dr Maxamed Xuseen Ciise ayaa ka hadlay dadaalka jaamacadda ugu jirto kobcinta waxbarashada una mahadceliyay kasoo qalabgalayaasha xafladda, hambalyeeyayna ardayda qalinjabineysa:

” Marka hore magacayga iyo magaca guuddoomiyaha jaamacadda waxaan ugu hambalyeynayaa ardayda jaamacadda, waalidiinta iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan, waxaan leeyahay hambalyo. Ardayda qalinjabineysa waxaan leeyahay maanta waxaa idiin bilowday howshiinna, waxbarashadana hadda ayay kow idiin tahay,

Ardayda ayaa ka qalinjabiyay kulliyaddo ay ka mid yihiin maamulka iyo maareynta, dhaqaalaha, waxbarashada, xisaabaadka, sharciga, caafimaadka iyo kulliyado kale.

Si kasta, dufcadan ayaa ahayd tii 17aad ee jaamacaddu ay soo saarto iyadoo jaamacaddu tahay tan ugu faca weyn jaamacadaha hadda dalka ka jira ee burburkii ka dib la yagleelay.

18 Arday ee kaalmaha hore ka galay kulliyada kala duwan ee jaamacadda

Maandeeq FM

Related Articles

Close