WararkaWaxbarashada

Golaha Guud ee QM oo Cod Aqlabiyad leh Ku Meel Mariyay Mooshin Lagu Cambaareynayo Gonaankii Trump uu Qudus Ugu Aqoonsaday Caasimadda Israel

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Cod Aqlabiyad ah Ku Meel mariyay mooshin lagu cambaaraynayo lagagana soo horjeedo go’aankii Mareykanku ka qaatay Qudus.

Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyad ballaaran ah ku meel mariyay go’aan sharciyeed lagu diiday in lagu bedelo xaaladda sharci ee magaalada barakaysan ee al-Qudus, goluhu waxa uu go’aamiyay in hab wadahadal ah lagu dhameeyo wixii is qabqabsi ah ee arrintaa ku aaddan.

Go’aankana ayaa waxaa u cudaysay 128 dowladood oo 22 ah ay  ka tirsan yihiin is bahaysiga NATO, halka ay diideen 9 dowladood 35 dowladood oo kalena ay ka aamiseen oo 21 dowladood aaney soo xaadirin goobta.

Si kastaba, golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka kooban 93 dowladood,  mooshinkana ayaa ka dhashay shir aan caadi ahayn oo ay codsadeen Turkiga iyo Yemen oo doonayay in la buriyo go’aanka Madaxweyne Trump uu ka gaaray magaalada Qudus.

Maandeeq FM

Related Articles

Close