CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Cilmibaaryaal Helay Xanuun Marka uu Dumarka Haleelo U Keena Cimri-degdeg

Xanuun ku yimaadda habdhiska dareenka dumarka ee loo yaqaanno “RLS: Restless Legs syndrome” oo saameyn ku yeesha lugaha iyo gacmaha ayaa dumarka u keena cimbir degdeg iyo geerida xilli hore ee nolosha.

Sida lagu qoray jariidada “Neurology”, khubaro ka tirsan jaamacadda Pennsylvania ayaa baaray xogta 57417 haween laga soo uruuriyay oo dhexdhexaadka da’doodu ahaa 67 jir, xogtaa ayaa meel lagu uruurinayay labadii sanaba mar, waxaana si gaar ah loo baarayay xaaladda caafimaad ee dadkaa mutadawiciinta ah ee daraasadda ka qeybgalay, waxaana la baarayay xanuunno uu ka mid yahay RLS.

Muddo 10 sanno ah markii ay daraasaddu socotay ayaa khubaradu arkeen 6448 xaaladood oo geeri ah oo dadku sababo kala duwan ay u geeriyoodaan. Laakiinw waxaa si gaar ah hoosta looga xariiqay in dumarka uu hayo xanuunka Restless Legs syndrome ee xubanaha jirka ku dhaca iney u geeriyoodaan cudurrada wadanaha iyo xidada dhiigga la xiriira heer gaaraya 43% marka loo barbardhigo dumarka kale ee aan RLS hayn.

Restless Legs syndrome waa cudur ku dhaca xubnaha jirka, qofku waxa uu xanuun joogta ah ka dareemayaa lugaha iyo gacmaha, caado ahaana waxa uu qofka si joogto ah iskugu arkaa xilliga hurdada ka hor waxaanuu u diidayaa inuu hurdo fiican helo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close