WararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub| Inaad Xafidato Saaxiibtinimada Jacaylkaagii Hore Waa Tilmaan Khatar ah: Mushkiladdan ayaa Ku Haysa!

Xiriirka guurku marar qaar ma waaro oo waa lagu kala tagaan, haddiise markii aad lamaanahaaga kala tagtaan aad ka codsato inaad wali saaxiib sii ahaataan oo aad arrintaa ku qanacdo mushkilad nafsi ah ayaa ku haysa oo khatar ah, waxaa fiican inaadan saaxiib la sii ahaan, waa sida ay sheegayso daraasad dhawaan soo baxday.

Natiijada daraasaddan oo ay soo daabacday jariidada “Independent” ee gudaha UK kasoo baxda, ayaa lagu caddeeyay in jacaylkaagii hore aad saaxiib la sii ahaata aaney ka dhigneyn inaad weynaatay amaba aad gaartay heer bislaanshiyo ah ee waxa ku hayaa waa cudur nafsi ah oo la yiraahdo “Psychopathy” oo qofk dareenka xishoodka iyo habdhaqankii wanaagsanaa ee bulshada uu ka tagayo ama “Narcissism oo qofku mar kasta jecelyahay inuu naftiisa bahiyaheeda haqab tiro, si xoog ahna u jecelyahay, dareenka dadka kalena aanuu dan iyo hello ka lahayn.

Daraasaddan oo lagu baaray 861 qof ayaa lagu ogaaday in dadka mushkiladaha nafsiga ah ee Psychopathy ama  Narcissism hayo ay ahaayeen dadka ugu badan ee jeclaa in xiriirku uu sii socdo oo ay saaxiib la sii noqdaan jacaylkoodii hore, si aaney uga kala go’in faa’iidooyin ay markii hore ku haysteen lamaanahoodii oo ay ka mid tahay lacag, warbixinno amaba jinsi, waana sida ay daraasaddu sheegtay.

Si kastaba, daraasaduhu waxay ka hadlaan waa sida ay dadku u badan yihiin, laakiin waxaa jiri kara dad arrintaa ka duwan oo mushkiladahaa aan soo sheegnayna aaney haysan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close