WararkaWaxbarashada

Dhawaaqa “Big Ben” oo Markale Laga Maqlay London Kadib Markii Bilo Ay Aamusnayd

Munaasabadda ciidda sanadka darteed maanta oo Sabti ah waxaa la maqlay dhawaaqa saacadda caanka ah ee Big Ben ee ku taalla dhismaha baarlamaanka Ingiriiska kadib markii ay bilo aamusnayd.

Dhawaaqa ayaa markale la maqli doonaan 1pm(12 GMT) ee maalinta ugu horreysa ee sanadka, saacaddan ayaa shaqada laga joojiyay August 21.  waxaana la filayaa iney  sii aamusnaato 4 sano ee soo aaddan dayactir ka socda taalladii ay saacadda ku dhaganeyd ee la dhisay 157sano ka hor.

Sida aan kasoo xigannay Reuters Qasriga Westminster ee London ayaa loo aqoonsan yahay inuu yahay goobaha hiddaha adduunka loo aqoonsan yahay, waxa uuna soo jiidataa dad aad u tiro badan oo dalxiisayaal ah sanadkii. Halka taallada Elizabeth oo dhirirkeedu gaarayo 96 mitir ay ka mid tahay dhismayaasha ugu badan ee dadku isku sawiraan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close