TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Facebook oo Ku Ogeysiinaya Markii Sawirkaaga Cid Kale Adeegsato (Adeeg Cusub)

Shirkadda Facebook ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay iney soo saareen nidaam cusub oo qofka wajigiisa lagu aqoonsanayo oo la yiraahdo “Photo Review” uu yahay mid kuu suurtogelinaya inaad sawirkaaga xakamayso, maadaama uu kuu sheegayo markii sawirkaaga cid kale adeegsanayso, waxaad ka helaysaa dhowr doorasho oo kala duwan, inaad sawirkaaga si gaar ah u calaamadeyso, sidiisa ku dhaafto, ama aad la xiriirto qofkii sawirka soo dhigay oo aad u sheegi karto inuu sawirkaaga bartiisa ka saaro, waa haddii aad sidaa doorato.

Waxaa horey u jirtay oo in muddo ah la adeegsanayay nidaamka garashada wajiga oo astaan ahaan loo adeegsaday, laakiin waxa cusub ayaa ah in sawirkaaga markii cid kale adeegsanayso in isla markiiba lagu ogaysiinayo.

Qoraa ka tirsan website-ka Gizmodo ee Kishmir Hill oo ka hadashay adeeggan cusub ayaa tiri: “Adeeggan aqoonsiga wajiga ee Facebook waxa uu noqotay mid awood badan, waxa uu awoodaa inuu wajigaaga aqoonsado, sawir kasta oo aad ku jirto iyo meel kasta oo dunida ah oo laga adeegsanayo, waxaa lagu soo ogeysiinayaa marka sawirkaaga ay saaxiibadaa Facebook u adeegsadaan.”

Agaasimaha mashruuca aqoonsiga wajiga ee Facebook oo la yiraahdo “Nipun Mathur” ayaa yiri adeeggan cusubi kuuma suurtogalayo inaad hesho haddii aan wajigaaga oo dhameystiran ka muuqaneyn bartaada oo waa inuu si fiican uga muuqdo.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close