WararkaWaxbarashada

Israel oo Qaadday Tallaabo Ay Kaga Aargoosaneyso Qaramada Midoobay

Ra’isul-wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Jicihii soo saaray wareegto uu ku amray ergayga Israel ee UNESCO inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo iney gabi ahaanba ka baxeen hay’addaas.

Jariidada Yedioth Ahranoth ee kasoo baxda gudaha Israel ayaa sheegtay in Netanyahu uu ku amray Carmel Shama-Hacohen inuu warqad rasmiga ah u gudbiyo UNESCO una sheego iney gabi ahaanba ka baxeen hay’adda dhamaadka sanadka oo isbuuc qura uu ka harsan yahay.

Tallaabadan ay Israel qaadday ayaa ka dambeysay kadib markii golaha guud ee Qaramada Midoobay ka codeeyay oo uu u hiilliyay qadiyadda reer Falastiin, waxaana tallaabadan mid la mid ah horey u qaaday  12 October-tii  kal hore dowladda Mareykanka oo UNISCO ku eedaysay iney Israel ka eexato iyo weliba sababo kale oo maaliyeed oo hay’adda ku saabsan.

Sanadkii 2016, ayaa UNISCO  ay qaadatay go’aan diidaya in Yahuuddu wax xiriir ah la leeyihiin masaajidka barakaysan ee Al-Qudus Al-Shariif.

UNISCO ayaa la aasasay dagaalkii labaad ee adduunka  kadib, dantii loo aasaasayna waxay ahayd in la wanaajiyo ilaha macluumaadka ee dhaqamada kala duwan ku salaysan, waxaana ay ku caan tahay hay’adani “Barnaamijka hiddaha Adduunka”.

Maandeeq FM

Related Articles

Close