WararkaWaxbarashada

UNICEF oo Agaasime Cusub Yeelatay

Qaramada Midoobaya ayaa Jimcihii u magacawday haweenayda Henrietta Holsman Fore iney noqoto agaasimaha fulinta UNICEF ee sanduuqa caruurta Qaramada Midoobay.

Sida ay qortay Reuters, xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterich ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Holsman oo 69 jir ah ay noqoneyso agaasimaha fulinta hay’adda UNICEF.

UNICEF ayaa kaalmooyin bani’aadamnimo iyo horumarineed u fidisa caruurta iyo hooyooyinka ku nool in ka badan 190 dowladood iyo ururro ka shaqeeya badbaadinta nolosha caruurta iyo difaaca xoriyaadkooda.

Fore ayaa horey u soo maamushay Unicef xilligii u dhaxaysay 2006-2009, iyadoo wakhtigaa noqotay haweenaydii ugu horreysay ee hay’addaa maamusha.

Maandeeq FM

Related Articles

Close