WararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub: Hooyada Dooneysa Iney Ilaashato Quruxda iyo Dhalinyaranimada Jirkeeda…

Daraasad cusub oo dhawaan soo baxday ayaa daaha ka rogtay in dumarka doonaya iney quruxdooda ilaashadaan ay u habboon tahay in qoys kooban oo ugu badnaan labo caruur ah ka kooban.

Daraasaddan ayaa farta ku fiiqday in tirada yar ee caruur ah ay haweenayda quruxdeeda iyo dhalinyaranimadeeda u ilaaliyaan, halka dumarka caruurta badan dhalaa ay hooyadu u ekaato mid ka da’weyn kana firfircooni yar asaageed.

Sida lagu daabcay “alarabiya.net”, daraasaddan ayaa waxaa sameeyay jaamacadda “Bath” ee dalka Ingiriiska ka dhisan, sababta ay hooyadu ugu muuqanayso mid asaageed ka da’ weyn ayaa ah; marka ay caruur badan dhasho raadka ay jirkeeda ku reebayaan Uurka, Nuujinta dabiiciga ah iyo korinta ubadka oo intuba dhibaatooyin farabadan ay hooyada kasoo waajahaan.

Canug kastaa waxa uu hooyada ku kordhiyaa “cadaadiska oksaydhka ah”, waana nooc ka mid ah khalkhal kiimikeed oo sababa gabow xilli hore ah.

Daraasaddan ayaa si gaar ah ula socotay illaa 500 oo dumar ah oo maraya da’da dhexaadka ah, waxaana la eegayay hooyada ugu quruxda badan uguna da’yar, iyadoo si gaar ah isha loogu hayay tirada ubadka ay hayadu haysato.

Maandeeq FM

Related Articles

Close