arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Maydkeeda Ayuu La Noolaa Muddo Bil ah “Isagoon Ka Warhayn”!

Nin Mareykan ah oo ku dhaqan magaalada Chicago ee gobolka Illinois ayaa muddo bil ah la noolaa mayadka xaaskiisa oo ay guri ku wada noolaayeen!.

Jariidada “Chicago Sun Times” ayaa qortay in Steven Seiler oo 60 jir ah uu guriga ka urinayay  ur aanuu arki jirin, laakiin aanuu isku dayin inuu baaro urtaasi halka ay ka imaaneyso, sidaas oo kale inuu xaaladda xaasiiska ku sugan tahay eegana isku muu dayin.

Tamara Wilson oo 58 jir ah ayaa meydkeeda la helay December 10, oo  ku daboolnaa go’,  kadib markii ay booliska guriga soo galay oo farriin ka helay dhanka gabar ay dhashay oo in muddo ah hooyadeed maqalkeedii wayday.

Seiler  ayaa booliska u sheegay inaanuu ogayn in xaaskiisu dhimatay iyo in kale, illaa markii ay gabadhisiisu la soo xiriirtay mooyaane, laakiin booliska ayaa ka shakisan inuu been sheegayana u haysta.

Ninkan ayaa la qabtay December 19, waxaana la arkay isagoo watay baasaaboorka xaaskiisa, kaarkeedii Bankiga iyo warqadeedii dhalashada, laakiin markii dambe ayaa la iska sii daayay waxaana hadda lagu hayaa xabsi guri.

Ninkan ayaa October ciidanku xireen kadib markii lagu soo eedeeyay inuu garaacay xaaskiisa, markaa wixii ka dambeeyay maxkamaddu waxay ku xukunta inaanuu guriga marka uu mukhaadaraadka is ticmaalo, sidaas oo kale ayaa Kamaradu ay qabatay isagoo subax kasta soo baxaya oo eegaya sanduuqa farriimaha inta aan maydka xaaskiisa la helin 5-tii cisho ee ka horreysay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close