arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sawiraaga Kaartoonka Tom and Jerry iyo Bugs Bunny oo 99 Jir ku Geeriyooday

Waxaa geeriyooday sawiraagii caanka ah ee Bob Givens ee qaabeeyay  iyadoo da’diisu ay gaartay 99 sano.

Wakaaladda wararka Associated Press ayaa qortay in gabar uu dhalay sawiraaga oo la yiraahdo Marianna ay ku dhawaaqday geerida aabaheed, December 14, waxa uuna ku geeriyooda California,

Givens ayaa ka shaqo bilaabay Walt Disney isagoo aan wali dhameyn dugsigiisa sare. Waxaana uu u shaqeeyay shirkadda Warner Bros oo uu markaa qaabayeeyay shakhsiyadda kaartooniga ah ee Bugs Bunny.

Lixdankii sanno ee uu shaqadan ku gudo jiray ayaa waxa uu sawiray shakhsiyaadka kartoonka ciyaalku ugu jecelyihiin ee Tom and Jerry, waana sida ay xustay wakaaladda Associated Press.

Sawiraagan ayaa sidoo kale ka shaqeeyay qaabaynta xayaysiinta  telvission-ka iyo animation-ka.

Marianna ayaa aabeheed ku sheegtay inuu ahaa qof firfircoon oo dabacsan intii uu noolaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close