UncategorizedWararkaWaxbarashada

Washington oo Hoos u Dhigtay Miisaaniyada Ay QM Ku Bixiso $285 Milyan Sanad Maaliyadeedka 2018-2019

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in $258 milyan ay ka jari doonto sanadka 2018 qaaraanka sanad laha ah ee ay siiso Qaramada Midoobey.

Ergayga Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobey Nikki Haley ayaa Isniintii shaacisay in dowladda Mareykanka ay joojin doonto qaar ka mid ah lacagaha sida deeqsinimada ah u bixiyo Mareykanka ee uu Qaramada Midoobay ku taageero.

“Beekhaamin la’aanta iyo kharashaadka faraha badan ee Qaramada Midoobey waa wax lawada garanayo. Ma ogolaan doonno in deeqsinimada dadka Mareykanka laga faa’ideysan doonin ama in aan la hubin lacagtooda halka ay ku baxdo” ayey tiri Nikki Haley.

Waxaa kale oo Nikki ay intaasi kusii dartay in dhimista qaaraankan ay tahay arrin taariikhi ah sidoo kalena ay tahay talaabo horay loo qaaday.

Arrintan ayaa imaaneysa maalmo un kadib markii Golaha Guud ee Qaramada Midoobey uu si aqlabiyad leh uu uga hor yimid go’aankii Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday iney tahay caasimadda Israaiil.

Si kastaba, Dowladda Mareykanka ayaa bixisa 22% miisaanyadda Qaramada Midoobay taas oo lacag ahaan u dhiganta 3.3billion oo dollar sanadkii.

Maandeeq FM

Related Articles

Close