arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waxa uu “Baqshiish” U siiyay $3,000 Markii uu Ka Cunay $39 oo Qura.. Farriinta uu u Dhaafay Shaqaalihii Maqaaxida oo Ay La Ilmeeyeen

Gacansade u dhashay dalka Mareykanka ayaa goostay inuu ka farxiyo shaqaale maqaaxi uu ka cunteyn jira munaasabadda ciidda ah ee ay ku jiraan darteed, waxa uu baqshiish uga dhigay oo uu ku tabarucay lacag $3000 ah, iyadoo cuntadii uu maqaaxida ka cunay aaney dhaafsiisnayn $39 oo qura.

Sida ay qortay jariidada “Daily Mail“, December 24, Dwayne Clarke waxa uu maqaaxida oo la yiraahdo Brief Encounter Cafe kuna taalla gudaha Bellevue ee Washington ka dalbaday quraac sida caadada u ahayd, waxaana loo keenay ukun hilib lagu dubay iyo koob shaah ah, waxa uu bixiyay oo miiska kaga tagay lacag gaareysa $3,000,000 iyadoo lacagtii lagu soo dallacay ay ahayd $39.60 oo qura.

Clarke oo ah maamulaha shirkadda Aegis Living, ayaa goostay inuu sanadkan sameeyo wax ka duwan dadka kale, waxa uu ka farxiyay shaqaalihii maqaaxida oo uu ku amaanay shaqada ay hayaan, una sheegay iney lacagta qeybsadaan.

Waxaase shaqaalihii maqaaxida ka oohiyay markii uu la wadaagay qiso yaraantii soo waajahday oo ah inuu saxamada maqaaxiyaha uu dhaqi jiray, yaraantii xilliyada ciidaha ahan aanuu heli jirin waxyaabaha ay caruurta kale helaan, maadaama ay dad faqiir ah ahaayeen.

Si kastaba, arrintan ayaa jaraa’idka maxalliga ah ee gudaha dalka Mareykanka kasoo baxaa si aad ugu soo daabaceen bayjajkooda hore, maadaama ay dalkaa ku yaryihiin dadka asxaanka noocan oo kale ah sameeya.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close