WararkaWaxbarashada

Cilmibaarayaal Helay Waddo Sahlan oo Cimridherar Lagu Helo

Saynisyahanno ka tirsan mac’hadka Massachusetts ee teknoolajiyadda ayaa helay in hawo wasakhowga yar uu si toos ah u saameeyo kordhinta celceliska cimriga aadanaha.

Khubaradan ayaa aaminsan in hoos loo dhigo hawo wasakhowga iyo waxyaabaha adkaha ah ee jawiga halleeya ay si weyn u yarayso dhimashada xilliga hore ama cimri-degdegga.

Sida ay qortay jariidada “EurekAlert” Daraasad laga sameeyay dalka Mareykanka ayaa lagu ogaaday in hawo wasakhowga dalkaas ay sii yaraaneysay laga soo bilaabo 1990-2012, waxaa caddaatay in heerka hawo wasakhowga sanadihii lasoo dhaafay uu si weyn hoos ugu dhacay, taas oo keentay iney yaraadaan dadka u dhinta cudurrada habdhiska neefmareenka, wadnaha iyo xidida dhiigga.

Si loo helo natiijooyin aad u wanaagsan ayaa waxaa la adeegsaday data-da shabakadda la socodka Network-ga ah ee loo yaqaanno “Interagency Monitoring of Protected Visual Environments”. Khubaradu waxay isku xireen tilmaamahaas iyo heerka geerida laga filan karo cudurrada habdhiska neef mareenka, wadnaha iyo xididada dhiigga.

Khubarada ayaa tilmaamay in deegaanku uu sidii hore ka wanaagsan yahay, maadaama Nitrogen, dioxide iyo carbon ee xayndaabka sare ee hawada wasakheeyaa uu sii yaraanayo.

Si kastaba, saynisyahannada ayaa tilmaamay in dadka sababsada hawo wasakhowga ee u geeriyooda ay ka badan yihiin dadka ku dhinta dagaallada, gaboodfallada iyo gaajada.

Ugu dambeyn, daraasaddan ayaa sheegaysa in waddan kastaaba waddanka uu ka hawo wasakhow yaryahay ay dadkiisu dhanka fursadaha nolosha kaga sarreeyaan dalalka kale ee hawo wasakhowgu ku badan yahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close