WararkaWaxbarashada

NASA: Adduunyo Gaddoonku Waxa uu Dhacayaa February 1, 2018

Shaqaalaha wakaaladda “NASA” ayaa faafiyay macluumaad meere yar oo aqoonsigiisu yahay “NT7 2002” oo dhulka ku soo dhacaya February 1, 2018, saacadda 11:47.

Sida ay qortay jariidada “Daily star” Shaqaalaha ayaa carrabka ku adkeeyay in adduunyo gaddoonku uu bilaaban doono wakhtigaas, halka awoodda uu dhulka ugu soo dhacayo meerahaasi ay u dhiganto 30 milyan oo bam-ka Nukliyeerka ah oo kale.

Macluumaadkan ayaa muddo 4 cisho ah ku jiray website-ka rasmiga ah ee NASA, kadibna culumadu waxay goosteen iney website-ka ka masaxaan. Sida ay sheegeen xubno ka tirsan wakaaladda culumadu waxay ka badbadiyeen awoodda uu dhulka ugu soo dhacayo meeraha iyo saameynta guud ee soo dhawaanshiyihiisu uu dhulka ku yeelan karto.

Dadka qaar ayaa aaminsan in khubarada wakaaladdu ay qarinayaan macaluumaadka ku aaddan dhibaato xaqiiqa ah oo dhulka ku soo waajahan.

Sida ay khubarada tilmaamayaan, meerahan yar waxa uu dhulka ugu soo dhacayaa xaware gaarsiisan 30KM/ilbiriqsigii. Waxaana la tilmaamayaa in xisaabaadka wakaaladdu uu yahay mid si weyn looga baaraandagay.

Si kastaba, waxaa marar badan la arkaa warbixinno tan la mid ah oo lagu tilmaamayo in adduuno gaddoonkii soo dhawaaday oo kasoo baxay wakaaladda NASA oo aaney waxba kasoo naasa caddaan. Laakiin mar kasta maskaxda ku hay maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd “Wanaag waxba kaama dhimee, xumaan u toog hay.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close