WararkaWaxbarashada

“Ninka Rajada” oo Mataano Loo Dhalay

In badan oo ka tirsan jaraa’idka caalamka ayaa daabacay mataano loo dhalay Nick Vujicic oo ah dhiirigeliye caan ah dadkuna ay aad ugu taxan yihiin muxaadaraadkiisa.

Vujicic ayaa dadbadani aad ugu farxeen mataanaha loo dhalay, waxa uu ku caan yahay inuu yahay qof aan quusta aqoon, waxa uu ku dhashay lugo iyo gacmo la’aan, hadana waxa uu tusaale u yahay oo uu yididiilo nololeed siiyaa malaayiin qof oo adduunka ka tirsan, illaa dadka qaar ay ugu magac dareen “Ninka Rajada“.

Nick ayaa guursaday sanadkii 2012, sanad kadib waxaa loo dhalay ilmihii ugu horreeyay, sanadkii 2015 ayaa hadana loo dhalay ilmihiisii Labaad, dhalashada labadan mataane ayaa waxay ka dhigeysaa inuu aabe u noqonday 4 caruur ah.

Nick ayaa waxa uu ku dhashay xaalad naadir ah oo lugo iyo gacmo la’aan ah, waxa uu noloshiisa u adkaystay inuu ahaa carugyar oo dadka ku xeeran ku jeesjeesaan, arrintaas oo bilowgiisii hore u keentay inuu dareemo murugo xaalad nafsi ah oo xunna u horseedday, waxa uu ku fakaray inuu naftiisa gooyo, laakiin ugu dambeyn waxa uu aaminay naftiisa waxa uuna la qabsaday nolosha.

Marka uu gaaray 17sano jir ayaa waxa uu aasaasay urur aan faa’ido doon ahayn oo la yiraahdo ” Ururka nolosha lugo iyo gacmo la’aan“, waxaanuu bilaabay inuu muxaadaraad ka jeediyo meelo kala duwan oo adduunka ah isagoo dadka siinaya yididiilo nololeed, gaar ahaan dadka naafada ah, waxa uuna tusaalaha u soo qaataa inta badan naftiisa si uu dadka u tusiyo iney nolosha mucjisooyin ka sameyn karaan, haddii ay go’aan la yimaaddaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close