WararkaWaxbarashada

Wax Ka Ogow.. Da’da Ugu Habboon ee Waxbarashada

Cilmibaarayaal Yurub u dhashay ayaa sameeyay daraasad cilmiyeed ay ku baareen da’da ugu habboon waxbarashada iyagoo baaritaan ku sameeyay shaqada maskaxda.

Jariidada “Nature Communications” ayaa lagu daabacay maqaal ka hadlaya in da’doodu u dhaxayso 17-20 jirka ay yihiin kuwa ku jira xilliga ugu wanaagsan ee waxbarashada, waana xilliga fahamku uu marayo heerkiisa ugu sarreeya.

Hadaba, si macluumaadkaa loo hubiyo, ayaa khubaro ka tirsan jaamacadda Leiden ee dalka Netherland ayaa sameeyay daaasad ay ka qeybgaleen 232 qof oo arday oo da’doodu u dhaxayso 8 illaa 25 jir oo aan qabin wax cudur ah oo dhanka dareemayaash ah, iyadoo ka qeybgalayaasha laga doonayay iney jawaabo u helaan su’aalo halxiraale ah oo dhowr jawaabood oo kala duwan yeelan karta, iyadoo la adeegsanayo computer.

Natiijada la gaaray ayaa noqotay in maskaxda shaqadeeda ay heerkeeda ugu sarreeya gaarto marka uu qofku gaaro da’da u dhaxaysa 17 illaa 20 jirka.

Sida ay cilmibaarayaashu tilmaamayaan natiijada daraasaddan ayaa carrabka ku adkaynaysa in da’da (17-20 jirka) uu ay tahay tan ugu habboon ee waxbarashada iyo fahamka ee qofku gaari karo faa’idada ugu badan ee waxbarashada.

Ugu dambeyn, natiijada daraasaddan ayaa ka dhigan in aqoonta tayadeeda iyo nuxurkeeda ardayda la siindoono marka ay gaaraan da’da 17sani jirka, maadaama wakhtigaasi yahay kan ugu habboon waxbarashada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close