CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Faa’iidooyinka iyo Dhibaatada PARACETAMOL-ka

PARACETAMOL waa Kiiniin si aad ah looga adeegsado adduunka oo dhan tabonaankii sanno ee u dambeysay, waa xanuun baabi’iye heer kulka jirka hoos loogu dhigo.

Si hadaba aan u xadidno dhibaatooyinka PARACETAMOL-ka waxaa wanaagsan inaan inaan marka hore ogaanno sida daawadu u saameyso jirka aadanaha. Daawooyinka Antibiotic ah iyo kuwa xanuun baabi’iyaha ah ee heerkulka jirka hoos loogu dhigo, waxay saameyn ku yeeshaan barta heerkulka laga maamulo ee maskaxda waxayna xakameeyaan caabuqa xaruunka sababa. Dhammaan daawooyinka xaruun baabi’inta loo adeegsaa waxay saameyn taban oo aan wanaagsanayn ku yeeshaan jirka, Aspirin-ka tusaale ahaan; waxay uu saameyn taban ku yeeshaa oo uu dhibaateeyaa caloosha iyo xiidmaha yaryar iyo kuwa waaweyn.

PARACETAMOL ka khatartiisu sidaa uma sii buurna, waa haddii uu qofku uu qaato in yar oo xadidan, marka calool xanuun la dareemana waa la adeegsan karaa.

Waxyaabaha uu gaarka la yahay Kiniinkani waxaa ka mid ah:

-Waxa uu si degdeg ah ugu milmaa jirka, sidaa darteed saameyntiisa isla markiiba way soo baxdaa.

-Saameyn kuma yeesho Metabolism-ka biyaha iyo macaadinta kale ee jirka ku jira.

-Saameyn taban kuma yeesho xuubka ku dahaaran habdhiska dheefshiidka jirka.

-Cid kasta ayaa loo soo saaray oo caruurtuna waa la siin karaan oo nooc loogu talogalay ayaa jira, laakiin waa marka uu dhakhtar sidaa ku taliyo.

PARACETAMOL  si guud waxaa loo adeegsadaa in xumadda lagu dajiyo xaruunkana lagu xakameeyo. Waxa waxqabadkiisu ku soo baxayaa muddo celceliskeedu saacad ku dhaw yahay, iyadoo heer kulka jirku noqonayo mid dabiici ah waxa uuna suulinayaa xanuunka.

Si kastaba, marka aad dawo cunto, waxaa habboon inaad hubiso iney jirka wax u tarayso iyo iney dhibayso, maxaayeelay, daawada inuu jirku nuugo ama uu qashin saar ku sameeyo, waxaa u xilsaaran Beerka iyo Kalyaha, xubnahana waxay mar kasta khatar ugu jiraan saameynta dawada sida khaldan loo adeegsado, halka PARACETAMOL ay jiraan dad xasaasiyad ka qaba oo marka ay cunaan ku xanuusada, halka dadka cudurrada kalyaha iyo beerka qabana aanuu u wanaagsanayn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close