arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Gabar ay Waalidkeed Qol Ku Xayireen Muddo 15sano Ah oo Si Naxdin leh U Geeriyootay

Booliska ayaa qabtay qoys Japanese ah kadib markii lagu soo eedeeyay iney gabadh ay dhaleen muddo 15sano ah ay ku hayeen xabsi guri illaa ay ka dhimato markii da’deedu gaartay 33 jir.

Waakaaladda wararka dalka Japan ee Kyodo News ayaa sheegtay in Yasutaka Kakimoto oo 55 jir ah iyo xaaskiisa Yukari oo 53 jir ah ay qirteen in gabadhoodda oo la yiraahdo Airi ay ku xireen qol guriga dhexdiisa ah muddo 15sano ah iyadoo ay  da’deedu ahayd 16 illaa 17sano jir.

Baaritaankii lagu sameeyay meydka ayaa lagu ogaaday in Airi ay qalashay illaa ay ka dhimato, waxay la dhibaatoonaysay raashin xumo, iyadoo miisaankeedu gaary 19 KG oo qura.

Sida ay sheegtay idaacadda “NHK” ee gudaha dalka Japan Aabaha Airi ayaa Booliska u sheegay in gabadhiisu ay caqliga ka jiranayd dadkana ay dhibaateynaysay maalintiina hal mar oo qura ay wax siin jireen, halka qolka ay ku jirto uu lahaa taleefoon ay kala hadli jireen gudaha guriga ku kooban.

Jariidada “Yomiuri Shimbun” ayaa dhankeeda caddeysay in labadan waalid ay ku qariyeen guriga in ka badan 10 Kaamiro oo guriga ah si ay iskugu dayaan in sirahooda guriga u ilaashadaan.

Marka Booliska gaarsiiyay geerida gabadhiisa ayaa lagu eedeeyay iney ula dhaqmeen si aan habbooneyn maydka, booliska ayaa hadda gacanta ku haya, tuhunno kale oo loo haysto ayaa jira oo ay ka mid yihiin iney xabsi guri ku xireen Airi, sida ay sheegtay Kyodo News.

Maandeeq FM

Related Articles

Close