TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

“Twitter” oo Qarka u Saaran “Dhacdo Taariikhi ah” Sanadka 2018

Maktabadda Congress-ka Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay isbedel ku sameynayso qorshaheeda wakhtiga fog oo ay ku kaydinayso qoraallada Tweets-ka ah ee dunida daafaheeda kala duwan laga daabaco.

Sida lagu qoray website-ka “Gizmodo“, waxaa la qorshaynayaa in maktabaddu joojiso noocii hore ee arkiifiyada ay ku diiwaangelinayso tweets-ka lagu daabaco barta waxa ka dambeya December 31, 2017, taa bedelkeedana ay adeegsan doonaan xeelado cusub iyadoo hab xulasho ah u dooran doono tweets ka ay makatabaddu diiwaangelinayso.

Makatabadda ayaa tweets-ka ay diiwaangelinaysaa ku salaysnaan doonaan hadda wixii ka dambeeya taariikh iyo dhacdooyin si gaar ah loo xulan doono, sida; dhacdooyinka muhiimadda weyn u leh waddamada iyo siyaasadaha dowladaha oo kale.

Tirada tweets-ka ah ee ay makatabaddu daawaangeliso si maalin leh ah ayaa gaartay sanadkii 2010 in ka badan 55 milyan oo tweet, halka sanadkii 2012 ay gaartay 500 milyan oo tweet.

Hadaba, Maktabadda congress-ka ayaa ku dhawaqday iney dib u bilaabayso 2018 iney kaydiso dhamaan tweets-ka lagu daabaco barta twitter-ka si taariikh ahaan loogu kaydiyo oo jiilka soo aaddan ay u daalacan karaan una arki karaan hab qoraalka aabayaashood iyo awoowyaashood, twitter-kuna u noqdo hab cusub oo taariikhda lagu kaydiyo.

Tallaabadan ayaa looga golleeyahay in lagu kaydiyo aqoon badan oo macno u sameyn karta jiilka soo aaddan.

Waxaa xusid mudan, in barta Twitter-ka ay shaqadeed bilowday sanadkii 2007 ayna hadda adeegsada in ka badan 100 milyan oo qof oo ku nool daafaha kala duwan ee dunida.

Maandeeq FM

Related Articles

Close