WararkaWaxbarashada

“Fatwo” India ah oo Gabdhaha Ka Mamnuucaysa In Loo Guuriyo Qoysaska Raggoodu Ka Shaqeeyaan Bankiyada

Darul Uloom Deoband oo ah jaamacadda culuumta Islaamka lagu barto tan ugu qadiimsan ee gudaha dalka India ayaa culumadeedu soo saareen fatwo ay ku mamnuucayaan in loo guuriyo Wiilsha Bankiyada ka shaqeeya.

Website-ka outlook India ee gaarka loo leeyahay kana soo baxa gudaha India ayaa Jimcihii qoray in fatwada lagu saleeyay in Bankiyadu yihiin kuwo xaaraan ah marka loo eego shareecada Islaamka.

Website-ka oo soo xiganaya culumo iyo dadka khubaro ah oo dhanka fatwooyinka ku takhasusay ayaa xusay in mowqifka ay Jaamacaddu istaagtay uu yahay mid waafaqsan shareecada Islaamka.

“Bankiyadu waxay ku shaqeeyaan si xaaraan ah, maxaayeelay shareecada Islaamku ma ogola in faa’iidooyinka laga ganacsado oo la macno ah in la raadiyo faa’idada ugu badan ee la heli karo.”, waa sida website-ku daabacay.

Fatwadan ayaa timid kadib markii waalid uu jaamacadda yimid isagoo way diinaya in looga jawaabo  gabar uu dhalay inuu u guurin karo wiil bank ka shaqeeya iyo in kale.

Si kastaba, Dalka India ayaa waxaa ku nool ku dhawaad 154 milyan oo Muslim ah oo u dhigma 14% guud ahaan dadka dalkaasi, taas oo la macno ah iney yihiin minority-ga Muslimka ah ee ugu badan adduunka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close