arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Qiimihiisu Waa $1milyan oo dollar.. “Dibiyar” oo Astaan Layaab leh Ku Dhashay oo Iibsigiisa lagu Tartamayo

Marka aad ku fakarto lacag qiimaheedu yahay Hal-milyan oo dollar, waxa ugu horreeyn kugu soo dhacaya waa guri baaxad weyn, macdan qaali ah ama gawaadhi heer sare ah.

Haddiise xaaladdu ay “Dibi” mareyso way ka duwan tahay, waxaa lagu soo xasuusan karaa dibigii Qur’aanka Kariimka ah lagu xusay qisaadii reer Bani’ Israel ee xilligii Nabi Muuse CS.

Nizamettin Cure’ye oo 35 jir ah ayaa waxa uu ku noolyahay magaalada Samun ee gudaha Turkiga, waa xoolo dhaqato, waxa uu leeyahay tiro Lo’ ah oo nooceedu uu ku yaryahay dunida inteeda kale, lo’daa oo ku caan ah iney tahay mid aad u buurbuuran.

Nizamettin waxa u joogay neef lo’ ah oo aan muddo dheer rimin, waxa uu go’aansaday inuu gowraco, laakiin inta aanuu ficilka ku dhawaaqin ayuu si kadis ah ku ogaaday iney sanadkan dhalayso, waa uu u kaadiyay, waxay u dhashay Dibi astaan goonni ah wata oo ay ku xardhan tahay xidig u eeg tan calanka Turkiga oo kale. Waxa uu yiri: ” Aadbaan uga yaabay lama filaanna iigu noqotay, waa xaalad dhif iyo naadir ku ah gudaha Turkiga.”

Markii ay dadku ogaadeen xaaladda dibigan yari ayay u soo daawasho tageen, in badan oo ka mid ah waxay dooneen iney iibsadaan, laakiin Nizamettin ayaa dadkii iibdoonka ahaa u sheegay in dubiga qiimihiisa uu yahay $1milyan oo doolar “Waxaan ku fakarayaa inaan iibiyo, waxaan hadda ku qiimeeyay hal-milyan oo dollar, waxaa jira dad doonaya iney iibsadaan, laakiin markii ay qiimaha lagu doonayo ogaadeen ayaay dib uga gurteen, maxaa yeelay waa lacag aad u tiro badan.” ayuu yiri Nizamettin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close