WararkaWaxbarashada

Cilmibaaris: Sidee Ragga Maandooriyaha Isticmaalaa Dumarka U Arkaan?!

Daraasad cusub oo dhawaan soo baxday ayaa sheegaysa Inta badan ragga mukhaadaraadka isticmaalaa ay dumarka u arkaan iney yihiin aalad lagu raaxaysto oo qura, waana tan keenta in kufsigoodu bato.

Natiijada daraasaddan oo lagu daabacay joornaalka Medical Express,  ayaa waxaa gaaray khubaro ka tirsan jaamacada Nebraska-Lincoln ee ka dhisay gudaha dalka Mareykanka, kadib markii ay sameeyeen cilmibaaris ay ka qeybgaleen 50 rag ah oo da’doodu u dhaxayso 20-30 sano jir.

Ragga daraasaddan ka qeybgalay ayaa ahaa kuwo isticmaala noocyo kala duwan oo daroogooyinka ka tirsan, waxaa lasoo hor dhigay sawirrada dumar kala duwan iyadoo si gaar ah isha loogu hayay habdhaqanka iyo falcelintooda marka ay sawirrada arkaan.

Cilmibaaraha la yiraahdo Abigail ayaa sheegay in dadka maandooriyaha isticmaalaa ay dumarka arkaan jirkooda oo qura, waana arrinta dhalinaysa, ayuu yiri, mashaakilaad farabadan oo kufsiga iyo shaqo jinsi ku bedelashadu ka midka tahay. Cilmibaarahan ayaana farta ku fiiqay in cilmibaarisyada noocan oo kale ay wax ka tari doonaan in lala dagaallamo gabood-fallada kufsigu ka mid yahay ee dumarka lagula kaco.

Si kastaba, Cilmibaaristan ayaa tilmaamaysa in inta badan ragga maandooriyaha adeegsadaa aaney aqoon  wax akhlaaq ah, sidaa darteedna ay habboon tahay iney dumarku si gaar ah uga gaashaantaan, maadaama wax ay xeerinayaan aaney jirin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close