WararkaWaxbarashada

“Da’yarka Ugu Caqliga Badan Adduunka” oo 8 daqiiqo Ku Xalliyay 230 Mas’aladood oo Xisaab ah

Da’yar u dhashay dalka Masar oo la yiraahdo Cabdiraxmaan Xuseen ayaa ku guuleystay abaalmarinta “Canuga ugu caqliga badan Adduunka“, waxa uu kaalinta koowaad u galay tartan caalimi ah oo caqli badnaanta lagu tartamayay kaas oo ka dhacay dalka Malaysia bishii lasoo dhaafay, xilligaas oo loo dabaaldagayay sanadguuradii 20aad ee aasaaska kooxda waxbarashada smarts-ka ah oo ah nooc waxbarasho dunida ku cusub.

Sida uu qoray website-ka “nogumfm.net“, Cabdiraxmaan waxaa tartanka kala qeybgalay 3 kun oo caruur ah oo ka socday illaa 70 dal oo daafaha kala duwan ee dunida ah, halka da’yar kan oo 13sano jir ah uu kaligii xalliyay 230 su’aalood oo xisaab ah oo 8 daqiiqo oo qura ku qaadatay.

Caruurtii ka qeybgalay tartanka ayaa laga qaaday imtixaan ay kaga jawaabayeen silsilado su’aalo xisaabeed ah oo aad u adag,  Cabdiraxmaan ayaa waxaa u suurtogashay inuu tartanka ku guuleysto oo ardaydii asaagii ahayd ka sare maro.

Sanadkii 2014 ayaa uu da’yarkani bilaabay diyaargarowga tartanka iyadoo si gaar ah loo baray barnaamij lagu horumarinayo hibooyinkiisa oo manhaj Malaysia ah ku salaysan, waxaanuu horey uga qeybgalay tiro tartamo ah oo garaadka lagu kobcinayo.

Si kastaba, tartanka ayaa ahaa mid looga jawaabayay su’aalo xisaabeed aad u adag oo tiradoodu gaareyso 315 su’aalood oo 4-warqadood lagu daabacay, waxaa carug kasta oo ka qeybgalayay laga doonayay inuu xalliyo su’aalaha ugu badan si uu tartanka ugu guuleysto.

Maandeeq FM

Related Articles

Close