WararkaWaxbarashada

“Qalbi-Jabka” oo Si Looga Kabsadaa Ay Adag Tahay

Cilmigu horey ayuu u xaqiijiyay in qalbi-jabku uu si dhab ah u jiro, haddana waxaa la xaqiijiyay iney adag  tahay in qalbi-jabka dib u kabasho laga sameeyo.

Marka dadka is jecel ay kala tagaan wixii doonaaba ha kala geeyaane, waxaa dibadda u soo baxa wax la yiraahdo qalbi-jab. Waxayna culumada-saynisku sugeen xaaladda nafsi ahaan ee uu maro qofka waaya ruuxii uu jeclaa uu ka dhinto ama uu ka dheeraaday ay tahay “Qalbi-jab”, oo saameyn qoto dheer ku reeba ruuxa uu ku dhaco.

Daraasad laga sameeyay jaamacadda Aberdeen ee Scottish-ka ah ayaa lagu ogaaday in dadka qalbi-jabka ku dhaco aaney marnaba ka kabsan doonin dhibaatada soo gaarta, waxaana la arkay dumarka qalbi-jabka hayo ee da’doodu u dhaxayso 58-75 sano, ay sii qorto dheer tahay muragada ay dareemayaan oo ay adag tahay in laga suuliyo.

Qofka qalbi-jabku hayo calaamadaha uu isku arkayo waxaa ka mid ah; in uu dareemayo neef qabatin, qeybta bidix wadnaha oo aan sidii la rabay u shaqeyn, iyo (Myocardial Infarction) oo ah xaalad khatar ah oo wadnuhu uu qofka istaagayo kadib marka uu joojiyo socodsiinta dhiigga ee xubanaha kala duwan ee jirka, taas oo keenaysa in uu qofku u geeriyoodo.

Hadaba, khubarada cilmibaaristan sameeyay ayaa kula talinaya dadka qalbi-jabku hayo in ay markasta xaaladooda caafimaad ay daryeelaan oo ay dhakhtar si joogta ah ula socdaan, si ay u helaan daryeelka ay u baahan yihiin ee xilliga ku habboon.

Maandeeq FM

Related Articles

Close