arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Qof Ku Guuleystay Lottery Qiimihiisu Yahay $450 Milyan oo La Raadinayo

Shirkadda lottery-ga ee bakhtiyaa-nasiibka “Mega Millions” ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay iney raadinayso qof sanadkan ku guuleystay abaalmarinta, iyadoo tirada numberka ku guuleystay abaalmarinta tigidkiisa lagu iibiyay magaalada Florida.

Qofka lottery-ga ku guuleystay ayaa helaya lacago gaaraya 450 milyan oo dollar, waana qiimihii 4aad ee ugu badnaa abaalmarinta ee dhanka taariikhda.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in tirada number-ka abaalmarinta ku guuleystay sanadkan uu yahay 28, 30, 39, 59, 70, oo number 10 uu la socodo, mas’uuliyiinta lottery-ga ayaan illaa iyo hadda ogeyn qofka ku guuleystay sanadkan cidda uu yahay.

Qiimaha bakhtiyaa-nasiibkan ayaa ah 281 maliyan oo dollar marka uu qofku damco inuu lacagta si kaash ah uu mar kaliya ku qaato, halka marka uu dambco in lacagta oo dhamaystiran uu qaato lacagta loo yaryareynayo.

Tigidka bakhtiyaa nasiibka Mega Millions ayaa lagu iibiyaa 44 gobol oo ay ku jirto Washington iyadoo qiimaha tigidkii uu yahay $2(labo dollar) oo qura.

Dadka Mareykanka ayaa sanadkii lasoo dhaafay bakhtiyaa-nasiibka ku bixiyay 80.5 billion oo dollar, iyadoo qof kastaaba uu rajeynayo in nasiibkiisu uu mar un u soo baxo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close