WararkaWaxbarashada

Daahrog Cusub oo Sababaya In Sigaarka Gabi Ahaanba La Iska Joojiyo

Culumo-saynisyahanno ah oo u dhashay dalka Mareykan ayaa helay unugyada maskaxda ee mas’uulka ka ah qabatinka Nicotine-ka, taas oo keenaysa in dadbadan oo dhibaato ku qabay sdidii  balwadda sigaar cabista uga go’i lahaayeen ay helayaan fursadda ay gabi ahaanba ku joojin karaan.

Sida lagu daabacay website-ka “Proceedings of the National Academy of Science ee gudaha dalka Mareykanka kasoo baxay, daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday iney jiraan Labo goobood oo xiriir leh oo ku taalla gudaha Maskaxda aadanaha oo qofka uu ka qabatimo nicotine-ka. Marka goobahaa isbedel lagu sameeyna uu qofku yareynayo qabatinka balwadda ee maskaxdiisa.

Daraasaddan ayaa waxaa sameeyay khubaro ka tirsan mac’hadka wadaniga ah ee culuumta biological sciences-ka ee dalka Shiinaha iyo khubaro ka tirsan jaamacadda Rockefeller ee gudaha dalka Mareykanka, daraasaddan ayaana hoosta ka xariiqday marka uu qofku nicotine tiro badan isticmaalo uu isbedel ku yimaaddo reefaha maskaxda aadanaha, isbedelkaana ay ka dhalanayso inuu qofku uu si weyn balwaddii jirkiisu ula qabsado.

Ugu dambeyn, daraasaddan ayaa waxaa kasoo baxay in unugyada dareenka ee ka mas’uulka ah qabatinka nicotine-ka oo qalliin lagu sameeyaa ay keeni karto in uu qofku balwadda gabi ahaanba ka go’o.

Maandeeq FM

Related Articles

Close